Ciidanka Xoogga oo abaabul ka dhan ah Al-Shabaab ka bilaabay galbeedka Hiiraan

0

BELEDWEYNE (SMN) – Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Sheekh Abuukar Maxamed oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay howlgalladii ugu dambeeyay, gaar ahaan abaabul culus oo haatan ka socda deegaanada HirShabelle.

 

Sheekh Abuubar ayaa sheegay in ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ay howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka wadaan galbeedka Hiiraan iyo qaybo kamid ah gobolka Shabeelaha Dhexe, isla markaana ay u dhaqaaqeen meelo lagu tuhmayo kooxda Al-Shabaab.

Afhayeenka ayaa shaaca ka qaaday in ujeedka uu yahay Al-Shabaab laga xoreeyo deegaanada ay ku harsan yihiin ee maamulka HirShabelle.

Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayaa kamid ah gobolladii ugu horreeyay ee lagu jabiyay Al-Shabaab, waana halka uu ka bilowdy wajiga koowaad ee howlgallada xoreynta ah ee haatan ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here