Cali Guudlaawe oo bilaabay dhaq-dhaqaaq siyaasadeed oo culus + Ujeedka

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa xalay kulan la qaatay Xildhibaano hore iyo kuwa hadda ah oo kasoo jeeddo Dowladda Hirshabeelle.

 

Masuuliyiinta uu kulanka la qaatay madaxweynaha ayaa waxa ey kala ahaayeen:-

1. Wasiir iyo Xildhibaan hore Cabdullaahi Goodax Barre
2. ⁠Xildhibaan hore Maxamed Xasan Qoone
3. ⁠Xildhibaan hore Cabduqaadir Sheekh Xanafi
4. ⁠Xildhibaan hore Samiira Xasan Cabdulle
5. ⁠Xildhibaan Cabdiraxmaan Axmed Cusmaan (Gureey)

Kulanka ayaa diirada lagu saaray arrimo ay ka mid yihiin wadajirka, nabadda iyo horumarka Hirshabeelle.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa masuuliyiinta uga mahadceliyay booqashada iyo is xog-wareysiga ay ugu yimaadeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here