Muqdisho – Wasaaradda Difaaca Turkiga ayaa sheegtay in maraakiibta ciidamada badda ee dalkaas ay sii wadaan howlgalka ilaalinta iyo galbinidda maraakiibta ka howlgasha xeebaha Soomaaliya.
Wasaaraddu waxay sheegtay in maraakiibta dagaalka ee TCG Göksu, TCG Gelibolu iyo TCG Bartın, kuwaas oo qeyb ka ah Kooxda Howlgalka Ciidanka Badda Turkiga ee Soomaaliya, ay sugayaan amniga markabka qodista shidaalka ee Çağrı Bey.
Sidoo kale, maraakiibtan ayaa galbinaya maraakiibta taageerada ee Korkut, Altan iyo Sancar, sida lagu sheegay bayaan ay Wasaaradda Difaaca Turkiga ku daabacday baraha bulshada.
Wasaaraddu waxay intaas ku dartay in howlgalka ilaalinta iyo difaaca maraakiibta uu weli socdo, iyadoo ciidamada badda Turkiga ay sii wadaan taageerada amniga howlaha sahminta shidaalka ee ka socda biyaha Soomaaliya.
Turkiga ayaa sanadihii u dambeeyay xoojiyay iskaashiga amniga iyo dhaqaalaha uu la leeyahay Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada difaaca, tamarta iyo sahaminta kheyraadka dabiiciga ah. Dalkaasi ayaa sidoo kale bilaabay howlo sahamin shidaal oo ka socda xeebaha Soomaaliya iyadoo la adeegsanayo markabka qodista ee Çağrı Bey.




