Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam, iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa si wadajir ah u gudoomiyay shirka Golaha wasiirada maamulka Jubaland.
Shirkan waxaa ka qeybgalay xubnaha Golaha wasiirada Xukuumada Federaalka ah iyo kuwa Jubaland oo isku dhaf ah iyadoo ay qeyb ka tahay sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta wasaaradaha Xukuumada Federaalka ah iyo Jubaland.