Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Ka qaybgalay Shirka Jaamacadda Carabta

0

QAAHIRA (SMN) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macalin Fiqi, iyo Wafdi uu hogaamanaayo ayaa ka qaybgalay meertada 162aad ee shirka Golaha Jaamacadda Carabta Heerkiisa Wasiir Arrima Dibadeed.

 

Shirkan ayaa ka qabsoomay Xarunta dhexe ee Jaamacadda Carabta kuleedahay Magaalada Qaahira ee Caasimadda Dalka Masar.

Sidoo kale waxaa shirka aad loogu faaqiday xaaladihii u dambeeyay ee Gobolka, gaar ahaan duulaanka iyo barakicinta gardarrada ah ee lagu haayo Shacabka Reer Falastiin.

Waxaa kale oo madaxdu si wadajir ah hoosta uga wada xariiqeen Muhiimadda ay leedahay in shacabka Falastiiniyiinta loo fududeeyo gaarsiinta Kaalmada Bani’aadannimo, lana dhaqan galiyo xabad joojin shuruud la’aan ah, si Mandiqadda loogu soo dabaalo Xasilooni waarta .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here