Booliska oo eedeysane usoo xiray gabar si arxan darro ah loogu dilay Warta Nabadda

0

MUQDISHO (SMN) – Ciidanka Boliiska Gobalka Banaadir, gaar ahaan saladhigga Boliiska degmada Warta-Nabadda ayaa gacanta ku soo dhigay, eedeysane Cabdicasiis Cismaan Maxamed (Sadaam) oo ku eedeysan in uu ceejo ku dilay Marxuum Maa’ido Maxamed Axmed oo 17 jir aheyd.

 

Falkan oo si weyn looga argagaxay ayaa gelinkii dambe ee Sabtidii ka dhacay degmada Warta-Nabadda ee gobolka Banaadir.

Qoraal kooban oo kasoo baxay Booliska ayaa waxaa lagu sheegay in haatan baaris ay ku socoto eedeysanaha, isla markaana si deg-deg ah cadaaladda loo horgeyn doono.

“Waxaa socoto baarista Boliiska waxaana la horgeydoonaa Maxkammada awoodda uleh” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka taliska Booliska, qaybta guud ee gobolka Banaadir.

Allaha u naxariistee marxuumad Maa’ido Maxamed Axmed oo uu jirdil xoogan ka muuqday ayaa maydkeeda laga helay gurigooda, waxaana dhacdadan si wayn uga argagaxay dadka deegaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here