Talyaaniga oo joojiyay Fiisihii laga qaadan jiray safaaradihiisa Muqdisho

0

ROME (SMN)  –  Dowladda Talyaaniga ayaa soo saartay war cusub oo ah inay gebi ahaan ka joojisay dadka kasoo jeeda Soomaaliya inay safaaradaheeda Muqdisho iyo Nairobi ka dalbadaan fiisaha loo yaqaano Shanga-haay.

 

“Waxaa la ogeysiinayaa dadweynaha in safaaradda Talyaaniga ee Nairobi ay joojisay soo saarista fiisaha Schengen, waxayna tani saameynaysaa dhammaan codsiyadaas shaqsiyaadka u gudbiyay safaaradda Talyaaniga ee Muqdisho,” ayaa lagu yiri war kooban oo soo saartay Safaaradda.

Dalku-galka Shangahaay waa fiisaha qofka u ogolaanaya inuu si sharci ah ugu safro gudaha iyo dibedda Aagga Shengiin, oo ah aag ku taal Yurub oo loo ogol yahay dhaqdhaqaaqa xorta ah ee dadka.

Fiisaha Schengen waxaa loogu talagalay dalxiisayaasha iyo socotada kale ee muddada gaaban ee doonaya inay u safraan aagga Schengen inay joogaan illaa 90 maalmood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here