JOWHAR (SMN) – Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene) ayaa maanta soo gaaray magaalada Jowhar ee xarunta Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.
Wasiir Beene-beene ayaa la filayaa inuu kormeero diyaarinta Qorshaha Isbeddelka Qaran (QIQ: 2025-2029) ee ka socda dowlad goboleedka Hirshabeelle.
Hirshabeelle ayaa waxaa in dhowaalaba ka soconayay mashaariic kala duwan oo ay iska kaashanayaan dowladda dhexe iyo maamulka Hirshabeelle.



![Nabadoonka Beesha Aadan Warsame ee Xawaadle oo lagu doortay Muqdisho [Sawirro]](https://shabellemedia.com/wp-content/uploads/2026/07/yaab-150x150.png)
