Xiisad ka dhalatay dilka 4 askari oo maanta ka taagan degmada Afgooye

0

AFGOOYE (SMN) – Xiisad xoogan oo ka dhalatay dilka 4 askari ayaa maanta ka taagan degmada Afgooye, halkaas oo ay dadweyne careysan ka dhigeen dibadbax.

 

Dilka 4 askari ayaa ka dhacay waaxda 21-ka Oktoobar, waxaana lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen ciidamo kale oo ka tirsan kuwa dowladda oo howlgal ka sameeyay halkaasi.

Dibad-baxayasha ayaa dalbaday in cadaaladda la horkeeno askartii ka dambeysay falkaasi, waxayna sheegeen in wiilasha la dilay loo dhigay shirqool.

Illaa iyo hadda ma jiro wax rasmi ah oo kasoo baxay maaamulka degmada oo ku aadan dhacdadaasi, waxaana haatan xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here