Guddoomiyaha SoDMA oo kulan mira dhal ah la qaatay safiirka Turkiga

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA) Md. Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la qaatay safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Md. Alper Aktas iyo wafood ka socota Hay’adda Maareynta Musiibooyinka u qaabilsan Turkiga ee AFAD iyo Hay’adda Bisa Cas ee Turkiga.

 

Kulanka waxaan diiradda lagu saaray qaban-qaabada soo dhaweynta iyo dajinta markab sida deeq gargaar ah oo ka imaanaya dalka Turkiga kaas oo 18 bishaan ku soo xiran doona dekedda Muqdisho, in SoDMA iyo AFAD ka wada shaqeeyaan xoojinta ka jawaabidda xaaladda deg-degga ah iyo sare u qaadista tayada, kartida iyo aqoonta shaqaalaha SoDMA.

Kulanka waxaa sidoo kale looga hadlay, in si loo ilaaliyo caafimaadka iyo bad-qabka bulshada in Hay’adda AFAD ay SoDMA gacan ka siiso sidii gobollada dalka looga dhisi lahaa goobo si guud loogu keydiyo hilibka gaar ahaan xilliyada ay jiraan munaasabdaha, halka la isla eegay socdaal uu madaxa ugu sarreeya AFAD ku imaan doono dalka iyo booqasho uu ku imaan doono SoDMA.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here