Agaasimaha hay’adda Socdaalka oo tababar ka furay Nairobi + Sawirro

0

NAIROBI (SMN) – Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Ahmed Said Mohamed ayaa maanta magaalada Nairobi ka furay tababar ku saabsan baarista iyo xaqiijinta dukumintiyada oo ay ka qeyb galayaan saraakiil ka tirsan Hay’adaha Socdaalka Soomaaliya iyo Kenya, Baarayaal ka tirsan laanta Baarista Dambiyada ee CID iyo Hay’adda Diiwangelinta Dadwaynaha.

 

Agaasime Axmed Siciid ayaa ugu horayn uga mahadceliyay dowladda Norway oo kaalin wayn ka qaadatay fududaynta iyo taabagelinta tababarkan. Sidoo kale, waxa uu ku dhiirageliyay ka qayb galayaasha aqoon kororsigan in ay si wanagsan uga faa’iidaystaan maadaama ay casharada bixinayaan macalimiin ajaanib ah oo qibrad iyo aqoon badan xambaarsan.

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka dowlada Kenya Marwo Evelyn Cheluger oo ka hadashay munaasabadda furitaanka ayaa xoojisay muhiimaddq horumarinta xirfada baarista dokumintiyada ee baarayaasha taas oo sare u qaadaysa horumarka la gaaro hubinta dokumintiyada lagu safro.

Safiirka dowladda Norway ee Kenya Mudane Gunnar Andreas oo ka hadlay munaasabadda furitaanka ayaa adkeeyay doorkooda taageerada Soomaaliya iyo wada shaqeynta xooggan ee kala dhaxeysa Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.

Musaanasabada furitaanka waxa sidoo kale ka qaybgalay Taliyaha Hoggaanka Baarista Dembiyada ee CID, G/Sare Muxudiin Axmed Cusmaan, waxa uuna dhankiisa ka hadlay muhiimada ay u leedahay horumarinta xirfadda baarista dokumintiyada isag oo tilmaamay in ay sifiican uga faa’iidaysan doonaan barayaasha ka tirsan hoggaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here