Wasiir Fiqi oo hortegay guddiga arrimaha dibadda ee Aqalka Sare + Sawirrro

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa la kulmay Guddiga Arrimaha Dibadda ee Golaha Aqalka Sare, oo ay guddoominaysay Senator Maryan Farah Kahiye.

 

Wasiirka ayaa ku adkeystay mabda’a hufnaanta iyo isla xisaabtanka ee Wasaaradda, isagoo xoogga saaraya arrimaha muhiimka ah sida wada-hadallada Soomaaliya iyo Itoobiya, heshiisyada caalamiga ah, xiriirka iskaashiga caalamiga ah, dhaqangelinta shuruucda shaqada dibedda, miisaaniyadda safaaradaha, iyo dhowrista siyaasadda arrimaha dibadda. Wasiirku wuxuu ballanqaaday in isla xisaabtan dhab ah uu noqon doono udub dhexaadka hawlaha Wasaaradda si loo hubiyo in howllaha muhiimka ah ee qaranka loo fuliyo si waafaqsan caddaaladda iyo sharciga.

Kulankan wuxuu buuxiyey waajibaadka dastuuriga ah ee Wasaaradda iyo Guddiga Aqalka Sare.

Mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda ayaa sidoo kale ka qaybgalay wadahadallada, taas oo abuurtey wada shaqeyn lagu horumarinayo siyaasadda arrimaha dibadda iyo wax ka qabashada baahiyaha shacabka Soomaaliyeed.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here