Shirweyne looga hadlayo qorshaha isbadalka oo ka furmaya Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka wasaaradda qorsheynta iyo horumarinta dhaqaalaha dowladda FS mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Beenebeene ayaa sheegay in maalinta barri ah uu Muqdisho ka furmayo shirweyne looga hadlayo qorshaha isbadalka Qaranka.

 

Shirka oo uu furi doono madaxweynaha Jamhuuriyadda FS Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si qoto dheer looga hadlayaa arrimaha dhaqaalaha, adeegyada bulshada iyo arrimo kale oo dalka muhiim u ah.

Wasiir Beenebeene ayaa xusay in aqoonyahano, mas’uuliyiin dowladeed iyo mari sharafta kale ee shirkaas ka qaybgalaysaa ay muddo asbuucyo ah lafaguri doonaan arrimaha ahmiyadda u leh Qaranka, sida waxbarashada, amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo yareynta saboolnimada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here