Taliyaha ciidanka Booliska oo la kulmay culimada Soomaaliyeed + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa kulan la qaatay, qaar ka mid ah Culumaa’udiinka Soomaaliyeed oo uu kala hadlay in ay ka qayb qaataan dadaalada lagu xoojinayo Nabadda, dib u heshiisiinta, wadajirka bulshada iyo ciribtirka Al-Shabaab.

 

Kulankan oo uu ka qayb galay Taliye ku xigeenka koowaad ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/guuto Cusmaan Cabdulaahi Maxamed (Kaniif) ayey culimadu kusoo bandhigeen talooyin ku aaddan ilaalinta ammaanka dalka, dowlad dhiska  iyo la dagaallanka kooxda Al-Shabaab.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here