Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo gaaray furimaha dagaalka ee Galgaduud + Sawirro

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Wasiirka Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa gaaray degaanka Geerille oo hoostaga degmada Ceel-dheer ee gobolka Galgaduud.

 

Deegaanka uu gaaray wasiirka ayaa waxaa shalay Ciidanka Xoogga Dalka ay dagaal culus kula galeen Al-Shabaab, kaas oo khasaare culus lagu gaarsiiyay.

Wasiirka ayaa waxaa halkaasi kusoo dhoweeyay Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka, Jeneraal Dayax Cabdi Cabdulle, oo hoggaaminaya howlgalka ka socda bariga gobolka Galguduud, iyadoo ciidamadu ay wadaan howlgallo lagu sugayo amniga degaannada laga saaray Al-Shabaab.

Gobollada dhexe ee dalka ayaa waxaa haatan ka soconayo howlgallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo ay iska kaashanayaan ciidanka Xoogga iyo kuwa deegaanka.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here