Taliyaha ciidamada Booliska oo xalay sameeyay kormeer amni + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, S/Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi, ayaa kormeer shaqo ku sameeyay qaar ka mid ah saldhigyada Boliiska ee ku yaala gobolka Banaadir. Kormeerka ayaa caawa ka dhacay saldhigyada Kaaraan, Yaaqshiid, Cabdicasiis, iyo Xamarweyne.

 

Ujeedka kormeerka Taliyaha ayaa ahaa in uu si dhow ugu kuurgalo howlaha ay saldhigyadu u hayaan bulshada, si loo xaqiijiyo habsami u socodka shaqooyinka amniga iyo in adeegyada boliisku si hufan ugu qabsoomayaan bulshada degaanka.

Taliyaha ayaa bogaadiyay shaqada ciidamada, isagoo ku dhiirrigeliyay inay sii laba jibaaraan dadaalkooda sugidda amniga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here