Xaalad kacsanaan ah oo ka taagan degmada Luuq iyo barakac ka socda

0

LUUQ (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in weli xaalad kacsanaan ah ay ka taagan tahay degmada Luuq oo ay shalay ku dagaalameen laba maleeshiyo beeleed oo ku wada sugan halkaasi.

 

Maleeshiyaadka dagaalamay ayaa weli isku horfadhiya gudaha magaalada, waxaana ka jirta cabsi laga qabo in mar kale ay ku dagaalamaan degmada Luuq ee gobolka Gedo.

Sidoo kale dadka deegaanka ayaa bilaabay inay isaga barakacaan xaafadahooda, kadib markii ay kasii dartay xaaladda degmadaasi.

Dagaalkii shalay ayaa waxaa ku dhintay ku dhawaad 10 qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan oo isugu jiro dhinacyada dagaalamay iyo dad shacab ah.

Si kastaba, dagaalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo maalin kahir Kismaayo lagu soo xiray shir dib u heshiisiin ah oo u dhexeeyay odaayasha labada beelood ee ku dagaalamaya degmada Luuq ee gobolka Gedo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here