Kooxo hubeysan oo maanta dil qorsheysan ka gaystay degmada Afgooye

0

AFGOOYE (SMN) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dil qorsheysan oo ay maanta kooxo hubeysan askari ka tirsanaa ciidanka booliska ugu gaysteen degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

 

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Aadan Geelle, wuxuuna kamid ahaa ciidamada booliska ee ka howlgala magaaladaasi.

Rag hubeysan ayaa toogasho ku dilay marxuumka kadibna baxsaday, sida ay Idaacadda Shabelle u sheegeen ilo wareedyo dadka deegaanka ah.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo maydka marxuumka kasoo qaaday goobta, kadib sameeyay baaritaano kooban.

Dhowaan ayay ahayd markii 4 askari oo ka tirsanaa ciidamada amaanka lagu dilay gudaha Afgooye, kadib markii ay weerar ku qaadeen ciidamo kale oo ka tirsan kuwa dowladda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here