Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi oo kulan u qabatay ganacsatada Soomaaliyeed

0

MUQDISHO (SMN) – Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya iyo Safaaradda dalka DRC-Congo ayaa kulan wada-jira u qabtay ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Kenya. Kulankaan ayaa ahaa mid ay codsatay dowlada DRC kaas oo ay ku dooneyso inay ganacsatada Soomaaliyeed ugu soo bandhigto fursadaha ganacsi ee ka jira dalkeeda.

 

Ganacsatada Soomaaliyeed oo guulo ganacsi ka gaaray qaar mida dalalka Afrika, gaar ahaan dalalka ku midooday ururka bariga Afrika ee marka, la soo gaabiyo loo yaqaano EAC ayaa aburay taratan loogu jiro sidii loo soo jiidan lahaa ganacsatada iyo maalgashiga ganacsatada Soomaalida.

Kulankii maanta ayaa waxaa ka soo qeybgalay ganacsato Soomaaliyeed oo kala duwan kuwaas oo ka yimid qeybaha kala duwan ee ganacsiga Soomaalida, ha noqdeen qaar ka qaar ka yimid gudaha dalka Soomaaliya si ay ugu qayb-galaan iyo kuwo ganacsi ku leh dalka Kenya.

Gudoomiyaha ururka ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Kenya, gaar ahaan xaafadda Eastleigh Mudane Axmad Cabdullahi Yare ayaa ka hadlay furitaanka kulanka isaga oo uga mahadceliyay dowlada DRC sida ay u dooneyso inay u soo dhaweeyso maalgashiga iyo ganacsiga dadka Soomaalida.

Danjire Jabril Ibrahim Cabdulle oo ka hadalay furitaanka kulnka ayaa sheegay in guulaha ganacsiga dadka Soomaalida uu keenay in lagu tartamo sidii loo soo jiidan lahaa maalgashiga iyo ganacsiga dadka Soomaalida.

Ku-simaha Danjiraha Dalka DRC mudana David Tshibanju ayaa warbixin dheer ka soo jeedyay kulnka isaga oo soo bandhigay fursadaha ganacsi ee ka jira dalkiisa. Waxa uu Danjire David isheegay n dowlada DRC ay mudnaan gaara siinayso ganacsatada Soomaalida ee danaynaya in ay maalgashaadan dalkiisa.

Waxa uu sidoo kale sheegay in ganacsatada Soomaalida laga dhaafi doono canshuuraha, isla markaana la sii doono dhul iyo degaano ay maalgashaadan. Waxa kale uu ka hadlay in loo fududeyn doono ganacsatada Soomaalida diiwan galinta ganacsigooda iyo ilaalinta hantidooda.

Dowlada DRC ayaa casuumaad u fidisay ganacsatada Soomaalida inay booqasho gaara ku tagaan dalkaas si ay indhahooda ugu soo arkaan fursdaha ganacsi ee ka jira DRC. Inta ay ganacsataud ku jiraan booqashada dalkaas, waxa ay halkaas kula kulmi doonaan madaxda ugu sareeysa dalka Congo..

Dhawaan ayaa la filayaa in ganacsato wakiil ka ah ganacsiga Soomaaliya ay booqosho ku tagaan dalka DRC Congo waxaana halkaas ku qaabili doono mas’uulyiin ka tirsan dowlada DRC.

Safaraadda Soomaaliya ayaa xooga saartay in ay fursado u abuurto gancsatda Soomaaliya,.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here