Xaalad kacsanaan ah oo weli ka taagan deegaanka Yaaqbariweyne

0

AFGOOYE (SMN) – Xaaladda deegaanka Yaaqbariweyne ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa weli kacsan, kadib markii ay shalay ku dagaalameen ciidamada Koonfur Galbeed iyo maleeshiyaad deegaanka ah.

 

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka oo saacado badan qaatay ay ku dhinteen in ka badan 10 qof, ayna ku dhaawacmeen ku dhawaad 20 kale.

Labada dhinac ee dagaalamay ayaa weli isku horfadhiya gudaha deegaanka, waxayna wadaan dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo.

Xildhibaan Daahir Aamin Jeesow oo kasoo jeeda deegaanka lagu dagaalamay, isla markaana taabacsan maleeshiyaadka ayaa Idaacadda Shabelle uga warramay sida ay wax u dhaceen.

“Maanta oo jimco ah ayaa Yaaqbariweyne weerar lagu soo qaaday dadkoo masaajida isku diyaarinaaya balse waxba lagama faa’iidin, baabuurna waa laga gubay, dadna waa ka dhinteen kuwa weerarka soo qaaday” ayuu yiri Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow.

Dadka deegaanka ayaa sidoo kale bilaabay inay barakacaan, si ay uga fogaadaan waxyeelo kasoo gaarta dagaalkaas oo kusoo laa laabtay deegaanka Yaaqbariweyne ee gobolka Shabeelaha Hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here