AFRICOM iyo Militariga Nigeria oo Sheegay inay Dileen in Ka Badan 200 oo Boko Haram iyo Daacish ka Tirsan

0

Abuja – Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) iyo militariga Nigeria ayaa sheegay inay si wadajir ah u fuliyeen howlgallo lagu beegsaday kooxaha Boko Haram iyo Daacish ee ka dagaallama waqooyi-bari Nigeria, kuwaas oo lagu dilay in ka badan 200 xubnood oo ka tirsan kooxahaasi.

 

AFRICOM ayaa qoraal ay ku baahisay barta X ku sheegtay in howlgaladaasi ay qayb ka yihiin dadaallada lagu wiiqayo kooxaha xiriirka la leh Daacish ee ka howlgala qaaradda Afrika.

“AFRICOM oo sii xoojinaysa iskaashiga ay la leedahay Nigeria waxay fulisay howlgallo ka dhan ah dagaalyahannada Daacish ee waqooyi-bari Nigeria. Howlgalladaasi waxay meesha ka saareen in ka badan 200 argagixiso, waxaana ku jiray hoggaamiye sare oo lagu magacaabo Abu Bilal al-Minuki,” ayaa lagu yiri qoraalka AFRICOM.

Afhayeenka Xarunta Difaaca Nigeria, Samaila Mohammed Uba, ayaa sheegay in weerarrada wadajirka ah ay si weyn u wiiqeen awoodda kooxaha argagixisada, iyadoo la burburiyay saldhigyo, xarumo saadka lagu keydiyo iyo goobo ay ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyaadka.

Uba ayaa sidoo kale xusay in iskaashiga labada dhinac uu sare u qaaday awoodda ciidamada Nigeria ee dhinacyada sirdoonka, dabagalka iyo sahminta, taas oo fududeysay beegsiga bartilmaameedyada muhiimka ah.

Nigeria ayaa muddo ka badan toban sano wajahaysay dagaallo iyo weerarro ay fuliyaan kooxaha Boko Haram iyo Daacish ee Galbeedka Afrika (ISWAP), kuwaas oo sababay dhimashada tobanaan kun oo qof iyo barakaca malaayiin kale, gaar ahaan gobollada Borno, Adamawa iyo Yobe.

Howlgalladan ayaa kusoo beegmaya xilli Mareykanku uu kordhinayo taageerada uu siiyo ciidamada Nigeria, gaar ahaan dhinacyada sirdoonka iyo qalabka milatari, si loo xoojiyo dagaalka lagula jiro kooxaha xiriirka la leh Daacish ee ka howlgala Galbeedka Afrika.

Bishii Janaayo ee sanadkan, Mareykanka ayaa shaaciyay qorshe lagu kordhinayo wadaagista xogta sirdoonka iyo taageerada hawlgallada cirka ee ciidamada Nigeria ka fuliyaan waqooyi-bari iyo waqooyi-galbeed dalkaas.

Inkasta oo uu jiro iskaashi amni oo sii xoogeysanaya, haddana waxaa weli taagan muranno siyaasadeed oo u dhexeeya Washington iyo Abuja, kaddib markii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu hore u sheegay in Nigeria ay ka dhacayaan dilal ballaaran oo lagu beegsanayo Masiixiyiinta, arrintaas oo ay si adag u beeniyeen mas’uuliyiinta Nigeria.

Nigeria oo ah dalka ugu dadka badan Afrika ayaa si weyn ugu kala qaybsan waqooyi ay u badan yihiin Muslimiinta iyo koonfurta oo ay u badan yihiin Masiixiyiinta, iyadoo dowladda dalkaasi ay marar badan sheegtay in colaadaha amni ay salka ku hayaan argagixisanimo iyo dambiyo abaabulan, halkii ay ka ahaan lahaayeen dagaallo diimeed.

Mas’uuliyiinta labada dhinac ayaa sheegay in howlgalada wadajirka ah ay sii socon doonaan si loo xoojiyo amniga gobolka loogana hortago khatarta kooxaha Boko Haram iyo Daacish  ee weli ka howlgala qaybo ka mid ah Nigeria.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here