Xubno ka tirsanaa Shabaab oo lagu dilay howlgal ka dhacay Shabeelaha Dhexe

0

MUQDISHO (SMN) – Warsaxaafadeed kasoo baxay Hay’adda NISA ayaa waxaa looga hadlay howlgal ka dhacay deegaanka Yaaqle ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kaas oo lagu qaaday Al-Shabaab.

 

NISA ayaa sheegtay in howlgalka oo ahaa mid qorsheysan lagu beegsaday xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo isku aruursanayay halkaasi.

Sidoo kale Hay’adda Nabad-sugidda ayaa intaasi kusii dartay in howlgalkan lagu dilay 27 xubnood, laguna dhaawacay tiro kale oo intaas ka badan.

Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa sidatan:-

Horjoogayaal iyo maleeshiyaad Khawaarij ah oo gaaraya 27 xubnood ayaa lagu dilay tiro kalana waa lagu dhaawacay howlgal Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ay ka sameeyeen deegaanka Yaaqle ee Gobalka Shabeellaha Dhexe.

Howlgalkan oo ahaa mid bartilmaameed ah ayaa lagu afjaray maleeshiyaad Khawaarij ah oo cadowgu kasoo aruuriyay deegaanno kala duwan isla markaana loo diyaarinayay in ay dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed.

Howlgalka oo qaatay in ka badan 12 saacadood ayaa sidoo kale lagu burburiyay gaadiid dagaal iyo saanad ciidan oo dhagar qabayaasha Khawaarijta ay wateen, waxa uuna ku soo dhammaaday guul.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here