MUQDISHO (SMN) – Taliska ciidamada howlgalka ATMIS ee Midowga Afrika oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa si faah-faahsan uga hadlay khilaafka ka dhex-qarxay dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedka Jubbaland.
Ugu horreysan ATMIS ayaa shaaca ka qaaday inay dhex-dhexaad ka tahay dhinacyada siyaasadda ee is haya, waxayna tilmaamay in doorkeeda uu yahay amniga oo kaliya.
Sidoo kale taliska ATMIS ayaa ugu baaqay labada dhinac inay wada-hadlaan, isla markaana ay si deganaan ku dhameeyaan khilaafka dhexdooda ah.
Halkan hoose ka akhriso:-