Shariif Sheekh Axmed oo Ka Hadlay Weerarkii Lagu Qaaday Hoygiisa

0

MUQDISHO – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa ka hadlay weerar uu sheegay in lagu qaaday hoygiisa magaalada Muqdisho, isagoo ka digay in dalka uu wajahayo xaalad siyaasadeed iyo mid amni oo sii xumaanaysa.

 

Shariif Sheekh Axmed, oo kamid ah hoggaamiyeyaasha mucaaradka, ayaa sheegay in isaga iyo dadkii la joogay ay la kulmeen weerar ay fuliyeen ciidamada dowladda.

“Aniga iyo dadkii ila joogay waa nala soo weeraray, ciidankii iyo madaafiicdii aan dhisnay ayaa nalagu soo weeraray,” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

Shariif ayaa ku tilmaamay dhacdada mid muujinaysa heerka uu gaaray khilaafka siyaasadeed ee dalka, isagoo ku baaqay in la joojiyo tallaabooyinka horseedi kara isku dhacyo hor leh iyo qalalaase amni.

DAAWO.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here