KISMAAYO (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in haatan xaalad kacsanaan ah laga dareemayo aagga degmada Badhaadhe ee gobolkaasi, oo ay isku horfadhiyaan ciidamada dowladda iyo daraawiishta Jubbaland.
Labada dhinac ayaa dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo ka wada Jubbada Hoose, waxaana laga cabsi qabaa inay ku dagaalamaaan halkaasi.
Warar ay heshay Idaacadda Shabelle ayaa sheegaya in xalay illaa saaka ay Jubbaland ciidamo ku daadgureneyso aagga deegaanka Raaskambooni oo ay joogaan ciidanka Xoogga dalka
Sidoo kale dowladda federaalka ayaa dhankeeda isku ballaarineyso gobolka, waxayna ciidamadu isku diyaarinayaan inay gaaraan deegaano horleh.
Halkan hoose ka daawo Wararkii ugu dameeyay;-