Muqdisho (SMN) — Wasiirka Amniga Gudaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Abdullahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, oo ku guda jira booqashadisii Belgrade Serbia ayaa maanta booqaday Machaddka Daraasaadka Cilmi baarita Amniga Dunidda Siyaasadda Dhaqaalaha iyo Tiknoolajidda ee Vlatacom.
Madaxda Machaddka Vladimir Dr. Vladimir Cizelj ayaa Wasiirka waxbixin guud ka siiyay shaqada ay u xilsaaran yihiin iyo xiriirka Machaddka uu la leeyahay in ka badan 96 dalka oo uu Machaddku la shaqeeyo.
Machaddka Vlatacom ee Serbia oo qabta hawlo aad u fara-badan ayaa Dowladda Soomaaliya u soo bandhiga fursado ay Soomaaliya u baahan tahay oo wax weyn ka tari doono Dowlad dhiska dalkeen, waxaana Wasiirka la tusay howlaha ka socoda xarunta Vlatacom, sidoo kale waxaa lagu wareejiyay documents uu ka xulan doono baahida hortabinta leh ay u qabaan shaqadda khibradda iyo Machaddka Vlatacom uu bixiyo.
ugu dambeyn, Wasiir Fartaag ayaa mahad balaaran u jeediyay Dowladda Serbia iyo dhamaan Madaxda kala ee uu kula kulamay Magaalada caasimada ah ee Belgrade.