HARGEYSA (SMN) – Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cirro ayaa maanta agaasime cusub u magacaabay hay’adda sirdoonka maamulkaasi, kadib wareegto uu soo saaray.
Cirro ayaa agaasimaha cusub ee sirdoonka Somaliland u magacaabay Jaamac Maxamuud Cigaal Maxamed, isaga oo sheegay inuu ku xushay aqoontiida iyo waayo aragnimadiisa.
Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa sidatan;-
Wareegto Madaxweyne
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 25/12/2024 uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-014/122024 uu ku magacaabay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.
Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-
Wareegto Madaxweyne
Magacaabid
Markii aan arkay: Qoddobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markii aan tixgeliyey: Ahmiyadda ay Hay’adda Sirdoonka Qaranku u leedahay Amniga Dalka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markii aan ku qancay: Aqoontiisa, kartidiisa, iyo waayo-aragnimadiisaba, isla markaana uu hanan karo mas’uuliyadda ka dhalanaysa xilkan;
Markii aan sameeyey: La-tashi;
Waxa aan go’aamiyey;
In Jaamac Maxamuud Cigaal Maxamed laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.
ALLAA MAHAD LEH