QAAHIRA [SMN] – Hantidhowraha Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Ciise Guutaale, iyo dhiggiisa Madaxweynaha Hay’adda Dhexe ee Hantidhowrista Masar, Mudane Maxamed Al-Faisal Yusuf, ayaa maanta yeeshay kulan muhiim ah oo lagu xoojinayo iskaashiga labada hay’adood ee ay kala hoggaamiyaan.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo heli lahaa wada-shaqayn joogto ah, iyadoo la xoojinayo xirfadaha, aqoonta, iyo awooda shaqaalaha hantidhowrista. Labada dhinac ayaa isla gartay muhiimada ay leedahay kor u qaadista isla xisaabtanka iyo ilaalinta maaliyadda dadweynaha.
Intii uu kulanka socday, Hantidhowraha Soomaaliya, Axmed Ciise Guutaale, ayaa carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay Soomaaliya u leedahay ka faa’iideysiga waaya-aragnimada qotoda dheer ee Masar ee ku saabsan isla-xisaabtanka iyo ilaalinta dhaqaalaha dadweynaha. Waxaa uu sidoo kale soo jeediyey in la xoojiyo iskaashiga labada dal ee dhinacyada hufnaanta maaliyadda iyo wadaagista khibradaha si loo hubiyo maamul wanaagsan.
Dhinaca kale, Mudane Maxamed Al-Faisal Yusuf ayaa isna ka hadlay sida ay dowladda Masar uga go’an tahay inay Soomaaliya la yeelato xiriir iskaashi oo waara, kaas oo xoogga saara baarista maaliyadda dadweynaha iyo dowladnimada.
Waxa uu sidoo kale xusay in Masar ay diyaar u tahay inay taageerto Soomaaliya iyadoo si qoto dheer uga qeybqaadaneyso horumarinta awoodda maamulka maaliyadda ee dalka.
Gabagabadii kulanka, labada dhinac ayaa isku raacay in degdeg loo dhiso qaab-dhismeed rasmi ah oo wada-shaqeyn ah, kaas oo horseedi doona kulamo dheeri ah oo diiradda lagu saarayo is-dhaafsiga khibradaha farsamo iyo horumarinta awoodaha aqooneed ee hay’addaha kala duwan.
Waxa kale oo la isla gartay in la sahmiyo fursadaha iskaashi ee mustaqbalka, iyadoo la doonayo in iskaashigan uu gacan ka geysto korjoogteynta iyo xoojinta daah-furnaanta, isla xisaabtanka iyo dowladnimada labada dal.
Kulankan ayaa muhiim u ah sidii loo mideyn lahaa dadaallada labada dal ee kor u qaadista maamulka hufan iyo isla xisaabtanka, taas oo sidoo kale ka caawin doonta labada dal sidii ay uga wada shaqeyn lahaayeen horumarinta maaliyadda iyo nidaamka dowladnimada.