Saalax Axmed Jaamac oo Soomaaliya ku mataley Shirka Munich

0

MUQDISHO [SMN] – Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa ka qeyb galay Shirka Caalmiga ah ee Amniga ee Munich 2025.

 

Shirkan ayaa diiradda lagu saaray arrimaha la xiriira amniga, gaar ahaan la dagaallanka argagixisada, isbeddelka cimilada, iyo xaaladaha siyaasadeed ee caalamka ka jira.

Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa ka hadlay horumarka ay Soomaaliya ka sameysay dhinacyada amniga iyo xasilloonida, isagoo si gaar ah u xusay dadaallada dowladda ee la dagaallanka kooxaha Khawaarijta, gaar ahaan Al-Shabaab iyo ISIS.

Waxa uu caddeeyey in howlgallada ka socda dalka ay guulo la taaban karo ka gaareen xoreynta deegaanada ay horey ugu sugnaayeen kooxahaas, taas oo keentay dib u soo celinta xasilloonida iyo maamul-wanaagga.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa sidoo kale la wadaaggay madaxda iyo khubarrada caalamiga ah in Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta iskaashiga caalamiga ah ee la dagaallanka argagixisada iyo horumarinta dib-u-dhiska hay’adaha amniga.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimada ay leedahay in beesha caalamku gacan ka geysato taageerada Soomaaliya si looga adkaado kooxaha argagixisada ah loona xaqiijiyo horumar waara.

May be an image of 3 people, dais and text that says "M.E Salah Jama"May be an image of 1 person, lighting, crowd and text that says "ር (msc msc C ((msc msc (۴ Cmsc msc"May be an image of 11 people, people studying and newsroomMay be an image of 10 people and text that says "N.E. Salah Jam RE H.E. E Dr. adr Badr AbdelAtty H.E. H.E.Ambassador Ambassador SeifKandeel Kandeel Seif EUSR EUSRAnnettisWet Wetr er Annets"May be an image of 9 people and text

War-Saxaafadeed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here