SoDMA iyo Ciidanka Xoogga Dalka oo xoojinaya iskaashiga u diyaar-garowga musiibooyinka iyo saameynta isbeddelka cimilada

0

Muqdisho – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta xarunta hay’adda ku qaabilay Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar (Jeneraal Khaalid).

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Hay’adda SoDMA iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, si loo dardargeliyo u diyaar-garowga iyo ka hortagga khataraha dabiiciga ah ee la saadaalinayo inay dalka soo wajahaan, gaar ahaan saameynta roobabka El Niño iyo dhacdooyinka ka dhasha isbeddelka cimilada.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa gurmadka degdegga ah, howlaha samatabbixinta iyo gaarsiinta gargaarka bulshada ay saameeyaan fatahaadaha, dabeylaha, abaaraha iyo musiibooyinka kale ee dabiiciga ah.

Mas’uuliyiinta ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in hay’adaha dowladda iyo ciidamada amniga ay si wadajir ah uga shaqeeyaan yareynta halista musiibooyinka, iyagoo bulshada uga digay dhibaatooyinka sii kordhaya ee ka dhasha isbeddelka cimilada. Waxay sidoo kale ku baaqeen in la qaato tallaabooyin hore oo looga gaashaamanayo khataraha la saadaalinayo, si looga fogaado khasaaraha naf iyo maal ee ka dhashay musiibooyinkii hore ee dalka ku dhuftay.

Kulanka ayaa qeyb ka ah dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku xoojinayso isku-duwidda hay’adaha dowladda, si kor loogu qaado awoodda dalka ee u diyaar-garowga, ka hortagga iyo ka jawaabista xaaladaha degdegga ah.May be an image of one or more people and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here