Gudoomiye Amiir oo daah furay Tartanka Quraan Aqriska Bisha Ramadaan

0

MUQDISHO [SMN] – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa daah furay Tartanka Quraan Aqriska Bisha Ramadaan ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar, kaas oo sanadkiiba mar la qabto ayaa waxaa ku tartami doono Arday ka kala socda Dugsiyadda Quraanka Kariimka ee Degmooyinka Gobolka Banaadir.

 

Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa Xildhibaan Xaadoole oo ka tirsan BFS, Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Cabdicasiis Cusmaan Maxamed, Agaasimeyaal, Maamulada Dagmooyinka Gobolka Banaadir, Culuma’udiin, Macalimiinta Dugsiyadda, Waalidiin iyo marti sharaf kale.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa u balan qaaday ardayda kaalmaha wanaagsan kagala tartankan qur’aan aqriska ah in heli doonaan abaalmarino ay ku farxaan iyaga iyo waalidiintooda.

May be an image of 8 peopleMay be an image of 5 people and daisMay be an image of 6 people and daisMay be an image of ‎3 people, newsroom, dais and ‎text that says "‎TARTANKA QURAAN AORISKA BISHA RAMADAAN EE EE DEGMOOYINKA MAAMULKA GOBOLKA BANAADIR 4-7/0912025 4-7 هجرية |દદ7/ ۱٤-٤/٤/٦٤ ۹/٤ بين ما الفترة في‎"‎‎May be an image of 8 people, lighting and daisMay be an image of 4 people and headscarfMay be an image of 3 people and headscarfMay be an image of dais and text

—DHAMMAD-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here