Cabsi weerarada Al-Shabaab oo ka jirta qeybo kamid ah Gobolka Sh/Dhexe

0

WARSHEEKH [SMN] – Wararka laga helayo gobolka Shabelada dhexe ayaa sheegaya in dagaalka dowladda iyo Al-Shabaab uu galo wajiyo cusub islamarkaana ay furmaan aagag dagaal oo cusub.

 

Wararka ayaa tilmaamay in Al-Shabaab ay yimaadeen meel kamid ah gobolka si ay u sii wadaan dagaalka ay kula jiraan dowladda.

Maalmihii lasoo dhaafay dagaalo xoog leh ayaa gobolka waxa ay ku dhex marayeen Alshabaab iyo sidoo kale ciidamada dowladda oo gacan ka helaya dadka deegaanka.

Gudoomiyaha Degmada Warsheekh ee gobolka Shabelada dhexe Maxamed Xasan Mataan oo u waramayay shabelle ayaa sheegay in As ay soo buux dhaafiyeen deegaano hoostaga degmooyibka Raaga Ceelle, Cadalle, Jowhar ilaa Aadan Yabaal.

Isaga oo xusay in hadii Alshabaab ay soo weeraraan degmada Raaga Ceelle, Warsheekh ay soo wajihi doonto Qalqal amni sida uu hadalka U dhigay.

Waxaa Muuqanaysa in maamulka degmada uu ka walaacsanyahy xaalada Gobolka islamarkaana degmada Warsheekh ay wajahayso qalqal Amni.

Marka la eego Warsheekh waxa ay kamid thay degmooyinka dhaca dhinaca Xeebta ee ku dhow magaalada Muqdisho.

War kasoo baxay wasiirka gaashaandhiga XFS ayaa waxaa digniin loogu diray dadka ka agdhow goobaha ay ku suganyihiin cubnaha Alshabaab war qoraal ah oo wasiirka gaashandhiga XFS uu soo dhigay Facebooka ayaa u qornaa sida tan

Iyadoo Dowladda ay dhowr jeer digniin ka soo saartey, haddana waxaan shaley Ceel Bacad ku aragney in weli aysan dadka qaar ka waantoobin welina la macaamilaan AS

Anagoo aad uga fogaaneyna in Shacab wax yeelo ka soo gaarto duqeynta ayaa waxaan Amiiro ka tirsan Alshabab ku duqeyney deegaanka Ceel Bacad. Waxaan mar labaad Shacabka uga digeynaa ineysan As la macaamilin, ayna ka fogaadaan meelaha ay joogaan.
Ilaahayoow marqaati ka noqo inaan gaarsiiney ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay wasiirka Gaashaandhiga.

Gobolka Shabelada dhexe ayaa ku jira Xaalad milatari iyda oo ay isku hayaan ciidamada dowladda iyo Alahabaab kusoo rogaal celiyay deegaano horay looga qabsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here