Qaahira – Dhulgariir cabirkiisu gaarayay 5.5 magnitude ayaa saqdii dhexe ee xalay ruxay magaalada Qaahira iyo deegaanno kale oo ka tirsan dalka Masar, iyadoo aysan jirin warar degdeg ah oo sheegaya khasaaro naf ama maalba leh.
Sida uu sheegay Machadka Qaranka ee Cilmi-baarista Xiddigiska iyo Juqraafiga (NRIAG), dhulgariirka ayaa dhacay saacaddu markay ahayd 3:00:36 subaxnimo waqtiga maxalliga ah, waxaana xudduntiisu ku taallay bariga magaalada Qaahira, iyadoo qotadiisu ahayd ku dhowaad 10 kiiloomitir.
Gariirka ayaa si xooggan looga dareemay Qaahira, Giza iyo gobollo kale oo dalka ka tirsan, waxaana dad badan ay sheegeen inuu socday dhowr ilbiriqsi, taasoo dhalisay cabsi iyo in dad badan ay ka baxaan guryahooda.
Wariyaha Shabelle TV iyo Raadiyaha Shabelle oo ku sugan magaalada Qaahira ayaa sheegtay in Soomaalida ku nool magaalada ay dareemeen cabsi xooggan markii uu dhulgariirku dhacay, iyadoo qoysas badan ay si degdeg ah uga baxeen guryahooda si ay uga badbaadaan khatar kasta oo iman karta.
Machadka NRIAG ayaa xaqiijiyay in ilaa hadda aan la helin wax warbixin ah oo ku saabsan dhimasho, dhaawac ama burbur hantiyeed oo ka dhashay dhulgariirka.
Dhanka kale, Wasiirka Caafimaadka Masar, Khaled Abdel-Ghaffar, ayaa amar ku bixiyay in la dhaqan-geliyo qorshaha gurmadka degdegga ah, isagoo faray isbitaallada dalka oo dhan inay kordhiyaan heerkooda diyaargarowga, isla markaana la hubiyo in adeegyada ambalaaska, waaxyaha gurmadka degdegga ah iyo qalabka caafimaadka ay si buuxda u diyaar yihiin.
Wasaaradda Caafimaadka Masar ayaa iyaduna sheegtay in xaaladda caafimaad ee dalka ay tahay mid deggan, islamarkaana aan la diiwaangelin wax dhaawac ah oo la xiriira dhulgariirka ilaa subaxnimadii Isniinta.
Inkastoo aan wax khasaaro ah la soo sheegin, dhacdadan ayaa walaac ku abuurtay Soomaalida iyo dadka kale ee ku nool Masar, maadaama dhulgariirkan uu ahaa mid si weyn looga dareemay caasimadda Qaahira iyo deegaannada ku xeeran.




