Soomaaliya Oo Taageero U Muujisay South Sudan xili ay ka jirto Xiisad Siyaasadeed 

0
MUQDISHO – Madaxweynayaasha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Axaddii shalay u muujiyay “iskaashi buuxa” iyo taageero dowladda South Sudan, iyada oo xiisadda siyaasadeed ee dalkaas ay sii xoogeysaneyso kadib xiritaanka hogaamiyaasha mucaaradka.
Xasan Sheekh ayaa wadahadal khad Taleefonka kula hadlay Madaxweyne Salva Kiir iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha Riek Machar, wuxuuna u sheegay in Soomaaliya ay “si qoto dheer uga welwelsan tahay” xaalada ka taagan dalkaasi.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ugu baaqay dhinacyada in ay bilaabaan wada-hadal si looga fogaado xasilooni-darro dheeraad ah. “Waxaan sii wadi doonaa in aan si firfircoon uga qayb qaadanno dadaallada loogu jiro in la xaqiijiyo mustaqbal nabad ah oo xasilloon ee South Sudan,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in xaaladda South Sudan ay saameyn weyn ku leedahay xasilloonida gobolka, isaga oo yiri, “Xasilloonida South Sudan waa qayb muhiim ah oo ka mid ah nabadda iyo amniga gobolka oo dhan.”

Xiisadda South Sudan ayaa cirka isku shareertay kadib markii ciidamo taageersan Madaxweyne Kiir ay xireen laba wasiir iyo taliyayaal sare oo milatari ah oo taageersan Machar, oo ah mucaaradkii muddo dheer u tartamayay awoodda dalkaas. Xiritaanka ayaa ka dambeeyay dagaallo dhiig badan ku daatay oo ka dhacay magaalada Nasir ee waqooyiga dalka, halkaas oo ay isku dhaceen ciidamada qaranka iyo maleeshiyada White Army, oo ah koox dadweyne oo ka soo jeeda beesha Nuer ee uu Machar ka dhashay.

South Sudan, oo xorriyad ka qaadatay Suudaan 2011 si ay u noqoto dalka ugu da’yar adduunka, ayaa galey dagaal sokeeye sanadkii 2013. Heshiis nabadeed oo la gaaray 2018, oo ay wada saxiixeen Kiir iyo Machar, ayaa joojiyay dagaalladii ugu daran. Si kastaba ha ahaatee, isbedelada muhiimka ah—oo ay ka mid yihiin hubka ka dhigista kooxaha hubeysan iyo diyaarinta doorashooyin dib loo dhigay—ayaa hakad galay, taasoo sii hurisay kacsanaanta sii socota.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here