Dowladda Federaalka ee Soomaaliya oo Xirtay Mareego taageera Al-Shabaab

0

MUQDISHO [SM] – Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa xiray ilaa 12 warbaahin oo nooca mareegaha ah, oo taageera Al-Shabaab, iyadoo horey ay dowladdu ugu guuleysatay xiritaanka in ka badan 30 bar mareeg ama website oo Al-Shabaab ku lahaayeen barta internet-ka.

 

Sidoo kale, dowladda ayaa gacanta ku dhigtay xogta iyo raadka shaqsiyaad badan oo ku lug lahaa hawlaha barahaan iyo kuwa dhaqaalaha ku bixinayay, iyadoo xogtaasi ay sahli doonto in talaabo laga qaado dembiilayaasha Al-Shabaab ugu adeegayay hawlahan.

Inta uu socdo hawlgalka baabi’inta nooc kasta oo Al-Shabaab u isticmaalaan warbaahin ahaan, waxaa lagu burburiyay kumanaan kun oo barood oo ay ka samaysteen baraha kala duwan ee bulshada ee la isticmaalo.

Hay’adaha dowladda ee u xilsaaran burburinta baraha internetka ee Al-Shabaab ayaa sidoo kale mar dhow rajaynaya inay gacanta u soo galaan website-yada kale ee Al-Shabaab ku gudbiyaan falal dembiyeedka iyo marin habaabinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here