MUQDISHO, Soomaaliya [SMN] – Xaaladda Amni Ee Deegaanka Caawa Cabdi ayaa Faraha ka baxday ka dib markii Al-Shabaab ay weerar qasaaro geystay ku qaadeen deegaankaasi.
Dagaalka oo ahaa mid kooban ayaa ku bilowday Qaraxyo waxaana xigtay isku hor imaad toos ah oo dhex-maray labada dhinaca, kaasoo geystay khasaarooyin kala duwan.
Goobjoogayaal ayaa Shabelle u sheegay in ay Kooxda gudaha u galeen Xaawo Cabdi oo u dhexeeysa Lafoole iyo Ceelasha biyaha oo ah deegaano deris ah ama isku dhow.
Dowladda Soomaaliya ayaa kicisay diyaarado Hilicopter ah si ay u duqeeyaan Kooxda Al-Shabaab Ee wararka halkaasi ku qaadeen.
Mudooyinkii dambe Al-Shabaab ayaa kordhisay Dagaalada Tooska ah ay ku qaadeeyey Shabelaha dhexe balse waxaa ay dhinaca kale weerarka u weeciyey Shabeellaha hoose
Geesta kale Saakay Al-Shabaab ayaa Qarax Ismiidaamin ah ku weeraray Talis Ciidanka DFS ee Degmada Aawdheegle.
Ma cadda qasaaraha Qaraxaasi balse waxaa la dhowrayaa Warka Dowladda Soomaaliya.