Taliyaha booliska Soomaaliya oo kormeeray baro koontorool

0

MOGADISHU (SMN) – Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa kormeer habeenimo ku maray baraha koontorool ee laga sugo amniga caasimadda Muqdisho, saldhigyada booliska iyo goobaha dadweynuhu isugu yimaadaan oo ay ku jiraan kuwa ganacsiyada ee magaalada Muqdisho.

 

Kormeerka shaqo ee Taliyaha ayaa salka ku hayey u kuur galidda xaaladda shaqo ee Ciidanka Boliiska, waxaana bulshada uu la kulmay ee ku sugnaa baraha hubinta iyo goobahooda ganacsi ee habeenkii xiliga dambe shaqeeya ka waraystay xaaladooda amaan, isagoo ka codsaday in Ciidanka ay la shaqeeyaan.

Kormeerkan ayaa imaanaya xili Al-Shabaab dhawaan ay soo weerartay deegaanno ku yaalla duleedka magaalada Muqdisho, sida Xaawo Cabdi iyo Balcad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here