Ciidamada Asluubta oo ku biiray dagaalka Al-Shabaab

0

MUQDISHO (SMN) – Ciidamada Asluubta ayaa loo duubulah Furimaha dagaalka, iyagoo ku biiray kuwa militeriga, taasoo muujinaysa in dowladda awoodeeda oo dhan isagu geynayso sidii ay uga adkaan lahayd Al-Shabaab.

 

Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo ka duulaya amarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ee ku aaddan in dhammaan Ciidamada Qaranku ay ka qayb galaan howlgallada dalka ka socda, ayaa sagootiyay shalay Cutubyo ciidan oo ku wajahan furimaha dagaalka.

Dagaalka Al-Shabaab ayaa xoogiisa ka socda hadda gobollada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose, iyadoo Al-Shabaab ay dhawaan weerartay deegaano ku dhaw Muqdisho.

Dagaalka uu Madaxweynaha ku dhawaaqay 2022 ayaa wali laga gaarin guulo waaweyn, maadaama khatarta Al-Shabaab ay wali taagan tahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here