MUQDISHO, Soomaaliya [SMN] – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaarey jiidaha hore ee dagaalka Al-Shabaab, si uu garab-istaag ugu muujiyo Ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka.
Inta uu Madaxweynuhu ku sugan yahay furimaha dagaalka waxa uu u kuur-gali doonaa xaaladda ciidamada, isaga oo warbixinno ka dheggeysan doona talisyada iyo hoggaannada horkacaya dagaalka, kuwaas oo maalmihii la soo dhaafay la kulmay weerar jihooyin badan oo Al-Shabaab ku qaadey.
Taliyaha Ciidanka Jeneral Odwaa, agaasimaha Sirdoonka Cabdullahi Sanbaloolshe iyo gudoomiyaha Maxkamadda Ciidanka Shuute ayaa kusoo dhaweeyay Madaxweynaha degmada Aadan Yabaal.
Tegitaanka Madaxweynaha ee furimaha dagaalka ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xilli ay dowladda isku dayayso inay difaacdo deegaanadii horey Al-Shabaab uga saartay oo hadda dib Kooxda usoo weerartay si ay u qabsato.
Al-Shabaab ayaa dhawaan weerartay Balcad, Xaawo Cabdi iyo Awdheegle, iyadoo qarax ka fulisay magaaladda Beledweyne, kaasoo la beegsatay shir lagu abaabulay dagaalka galbeedka gobolka Hiiraan.