MUQDISHO, Soomaaliya – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa u magacaabay, Cabdinaafic Axmed Cabdullaahi inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda JFS.
Magacaabista agaasimaha cusub ayaa kusoo beegmaysa xili xilka laga qaadey wasiirkii difaaca C/qaadir Maxamed Nuur, oo ku dhawaad 3 sano xafiiska joogay.
Wasiirka ayaa isaga iyo xubno kale oo kamid ah Xukuumadda ku waayay xilalkooda isku shaandheyn uu sameeyay Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre maalintii shalay.



![Nabadoonka Beesha Aadan Warsame ee Xawaadle oo lagu doortay Muqdisho [Sawirro]](https://shabellemedia.com/wp-content/uploads/2026/07/yaab-150x150.png)
