MUQDISHO, Soomaaliya [SMN] – Madaxweynihii 9aad ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa soo saarey war-saxafadeed uu codkiisa ku biiriyay cambaareyn loo jeediyay xariga dowladda kula kacday hogaamiyaha xisbiga dadka.
“Xarigga sharci darrada ah ee laamaha ammaanka Federaalka Soomaaliya ay u geysteen Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka Shacabka Mudane Cabdiraxmaan Saleebaan Jaamac waxa uu muujinayaa nooca doorashada ee uu doonayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo hannaanka siyaasadeed ee uu qaatay,” ayuu yiri Farmaajo.



![Nabadoonka Beesha Aadan Warsame ee Xawaadle oo lagu doortay Muqdisho [Sawirro]](https://shabellemedia.com/wp-content/uploads/2026/07/yaab-150x150.png)
