MUQDISHO, Soomaaliya [SMN] – Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ayaa saakay hawlgal qorshaysan Al-Shabaab uga saaray deegaanka Geel-gub ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.
Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada ay saakay weerar dhowr jiho ah ku qaadeen deegaanka Geel-gub si ay ula-wareegaan gacan-ku-heyntiisa, iyadoo uu labada dhinac dhexmaray dagaal saacado socday.
Hawlgalka ayaa weli ka socda duleedka deegaankaas, waxaana wararka hordhaca ahi ay sheegayaan in khasaare xooggan lagu gaarsiiyay Al-Shabaab. Waa deegaankii 2aad oo laga saarayo Al-Shabaab tan iyo shalay.
Ciidamada ayaa waxay shalay dagaal dhiig ku daatay kula wareegeen Aboorey oo katirsan gobolka Hiiraan, iyadoo halkaasina lagu dilay taliyihii ururka 163aad ee Guutada Kumaandooska Danab oo Asad Cismaan lagu magacaabi jiray.




