Waa kuma cidda xagal-daacineysa dagaalka Al Shabaab?

0

Taliyaha qeybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS), Xasan Farax Guuleed, ayaa si kulul uga hadlay hagardaamo uu sheegay in lagu hayo howlgallada ka dhanka ah Ururka Al Shabab ee ka socda qeybo ka mid ah Gobollada dalka.

 

Taliye Xasan ayaa sheegay in siyaasiyiin huwan shaar beeleed oo ay wiiqayaan dagaalka ay kala soo horjeedaan Al Shabaab, iyagoo ka shaqeynaya in guusha u gacan gasho Al Shabaab.

Taliyaha wuxuu tilmaamay in siyaasiyiintan qaarkood oo adeegsanaya saameyn ay ku leeyihiin beelaha ay ka soo jeedaan ay cadaadis xooggan saareen Xoogagga dadka degaanka ee loo yaqaan Macawisley, si ay u joojiyaan ka dhinac dagaalanka Ciidanka Xoogga Dalka, taasi oo uu sheegay in ay fursad u noqoneyso Kooxda Al Shabaab.

“Siyaasiyiin dano gaar ah leh ayaa hor istaagan in guul laga soo hooyo dagaalka Al Shabaab, waxayna ku khasbayaan Macawisley in ay joojiyaan howlgallada”, sidaasi ayuu hadalkiisa raaciyay Taliyaha.

Wuxuu qeexay khatarta ka imaan karta qorsha, isagoona cod dheer ku sheegay in Macawisleydu ay yihiin awood uu u baahan yahay Ciidanka Xoogga Dalka si looga adkaado Al Shabaab.

Taliyaha ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, in uu arrintan si degdeg ah wax uga qabto faragelinta siyaasadeed inta aysan xagal daacin dagaalka Al Shabaab.

“Dagaalka lagula jiro Al-Shabaab waa mid qaran, mana ogolaan karno in dano shaqsi ah ay wiiqaan halgankaas. Madaxweynaha waxaan ka codsanayaa in uu si degdeg ah u galo arrintan ka hor inta aysan dhaawac weyn u geysan qorshaha guud ee dagaalka,” sidaasi waxaa yiri Taliye Xasan.

Hadalkan ayaa imaanaya maalo kadib markii Kooxda Al Shabaab ay la wareegtay gacan ku heynta Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Sh.Dhexe iyo sidoo kale degaannada Aboore iyo Yasooman oo dhaca Gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

 

 

 


LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here