Cali Jeyte oo dalbaday in xaasaska Al Shabab laga saaro Muqdisho

0

Cali Jeyte Cismaan, u qeybsanaha Xafiiska Madaxweynaha ee Arrimaha Ciidanka Difaaca Dadweynaha ee loo yaqaano (Macawiisleyda), ayaa sheegay in xaasaska iyo carruurta Al Shabab ay ku sugan yihiin Magaalada Muqdisho.

 

Wuxuu sheegay in aan marnaba la aqbali karain in madaxda Al Shabab ay maalin waliba laynayaan Shacab aan waxba galabsan, xaasaskooda ay si nabdoon ku jooga caasimada dalka.

Isagoo hadalkiisa sii waya ayaa Cali Jeyte wuxuu ka dalbaday Dowladda Federaalka in ay qaado howlgallo lagu raafayo carruurta iyo xaasaska Al Shabaab.

“Waa in ay kala caadaataan halka uu Al Shabaab ka arrimiyo. Xaasaskooda in ay la joogaan Magaalada Muqdisho waa mid aan sax aheyn. Waa in la soo qabtaan dhammaantooda”, sidaasi waxaa yiri Cali Jeyet.

Ujeedka howlgalkan ayuu Cali Jeyte ku sheegay mid xanuunka lagu dareensiiyo xubnaha Kooxda Al Shabaab oo maalin weliba u taagan daa’dinta dhiigi Shacabka, sida uu hadalka u dhigay.

Si-kastaba, Cali Jayte oo saameyn ku leh gobolka Hiiraan, ayaa hoggaamiyay dagaallo dhowr ah oo lala galay Kooxda Al Shabaab, wuxuuna ku guuleystay in uu gacanta Dowladda ku soo celiyo degaanno ay markii hore ka arrimin jireen Kooxda Al Shabaab.


LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here