Muqdisho, Soomaaliya – Axaddii, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Richard Riley, iyagoo ka wada hadlay xaaladda siyaasadeed iyo amniga dalka, iyo dadaallada lagu horumarinayo hanaanka dhisidda dowladnimada Soomaaliya.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada dal iyo baahida loo qabo xasillooni siyaasadeed, xilli Soomaaliya ay isu diyaarineyso doorashooyin guud oo la qorsheeyay sanadka dambe.
“Waxaan ka wada hadalnay xaaladda guud ee Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha amniga iyo siyaasadda, iyo muhiimadda ay leedahay in la dardargeliyo hanaanka dhisidda dowladnimada oo saldhig u ah xasilloonida siyaasadeed,” ayuu Shariif ku yiri bayaan uu soo saaray kulanka kaddib.
Shariif Sheekh Axmed ayaa sidoo kale uga mahadceliyay Mareykanka taageerada joogtada ah ee uu siiyo Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, la-dagaalanka argagixisada iyo gargaarka bani’aadantinimo.
Wadahadalladan ayaa imaanaya iyadoo ay socdaan dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu doonayo in lagu mideeyo hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee Soomaaliya, laguna taageero geedi-socodka dimuqraadiyeynta dalka.
Dowladda Mareykanka ayaa mar kale xaqiijisay sida ay uga go’an tahay inay taageerto dadaallada Soomaaliya ay ku dhiseyso hay’ado dowladeed oo wax ku ool ah, inkastoo ay jiraan caqabado siyaasadeed iyo kuwo amni.




