KISMAYO, Soomaaliya – Ciidamo ka tirsan kuwa gaarka ah ee Danab oo ay garab siinayaan boolis si gaar ah u tababaran oo ka tirsan Jubaland ayaa howlgal qorshaysan ka fuliyey qaybo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose, iyaga oo beegsanaya xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab, sida ay sheegeen saraakiisha amniga Isniinta Maanta ah.
Howlgalka wadajirka ah ayaa diiradda saaray burburinta xarumaha iyo kaabayaasha kooxda Al-Shabaab ee la tuhunsan yahay in laga soo abaabulo weerarrada ka dhanka ah shacabka iyo ciidamada.
Wararka ayaa sheegaya in la burburiyey dhowr xarumo qarsoodi ah oo ay kooxdaasi ku lahaayeen gobolka, kuwaas oo loo isticmaalayey qorsheynta iyo fulinta weerarro.
Taliyeyaasha hoggaaminayey howlgalka ayaa sheegay in ujeeddada ugu weyn ay tahay dib u soo celinta nabadda iyo xasilloonida deegaanada Jubbada Hoose, gaar ahaan nawaaxiga magaalada istiraatiijiga ah ee Kismaayo.
Mas’uuliyiintu waxay ugu baaqeen shacabka deegaanka inay la shaqeeyaan ciidamada amniga, si wadajir loogu suuliyo kooxda Al-Shabaab ee weli ku sugan qaybo ka mid ah gobolka.
Gobolka Jubbada Hoose iyo deegaanada kale ee Jubbaland ayaa weli ah meel ay kooxda Al-Shabaab si weyn uga jirto, waxaana halkaasi ka dhacayey weerarro iyo duqeymo joogto ah oo lagu daciifinayo awoodda kooxda.




