JOWHAR, 5-May-2025 – Madaxweynaha Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), ayaa maanta si rasmi ah u furay kal-fadhiga 17-aad ee Baarlamaanka Hirshabeelle, munaasabad ka dhacday xarunta Baarlamaanka ee magaalada Jowhar.
Furitaanka kal-fadhiga ayaa waxaa ugu horreyn ka hadlay Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle, Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed, oo soo dhaweeyay Madaxweynaha, isagoo xildhibaannada ugu baaqay in ay si hufan uga shaqeeyaan mas’uuliyadaha ka saaran matalaadda shacabka.
Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa khudbad uu ka jeediyay fadhiga Baarlamaanka ku amaanay hoggaanka iyo xildhibaanada Hirshabeelle, isagoo xusay doorkooda muhiimka ah ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Khawaarijta.
“Siyaasad xasilloon ayaad ku shaqeyseen, Guddoonka iyo Xildhibaanada Hirshabeelle waxay kaalin weyn ka qaateen howlgalka dabar-goynta Khawaarijta,” ayuu yiri Madaxweynaha.
Ugu dambeyn, Madaxweynaha ayaa Alle uga baryey inuu xildhibaanada ku asturo waajibaadka qaran ee horyaalla, isagoo kula dardaarmay in ay sii xoojiyaan dadaallada lagu horumarinayo Hirshabeelle.










