Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Wafdigiisa oo Dalka Kusoo Laabtay 

0

Muqdisho, May 6, 2025 – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta si rasmi ah ugu soo laabtay dalka, kadib safar shaqo oo uu ku tagay magaalada Algiers ee caasimadda dalka Algeria.

 

Safarkan ayaa la xiriiray ka qeybgalka shirweynaha Guddoomiyeyaasha Baarlamaanada Wadamada Carabta.

Shirka oo socday dhowr maalmood ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga Baarlamaanada dalalka Carabta, kor u qaadista doorka sharci dejinta ee dowladaha xubnaha ka ah Ururka Carabta, iyo sidii Baarlamaanada Carabta ay si wadajir ah uga hortagi lahaayeen caqabadaha gobolka ka jira, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha, iyo xasilloonida siyaasadeed.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo wafdiga uu hoggaaminayay oo ay ka mid ahaayeen Xildhibaano iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa kulammo gaar ah la yeeshay dhiggooda Carbeed, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo sidii Soomaaliya looga taageeri lahaa horumarinta nidaamka baarlamaaniga ah iyo dib u dhiska hay’adaha dowladeed.

Markii uu soo degay diyaaraddu, waxaa Guddoomiyaha iyo wafdigiisa si diirran loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Soo dhoweynta waxaa ka qeyb galay Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka, saraakiil sare oo dowladda ka tirsan, iyo marti sharaf kale.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa warbaahinta u sheegay in shirkaasi uu Soomaaliya u ahaa fursad muhiim ah, isla markaana uu rajeynayo in is-dhexgalka Baarlamaanada Carabta uu horseedi doono taageero buuxda oo dalka looga helo saaxibada gobolka.

“Waxaan si weyn uga mahadcelinayaa sidii sharafka lahayd ee aan ugu matalnay dalka Soomaaliya, iyo sida ay dalalka walaalaha ah noogu muujiyeen taageero, walaaltinimo iyo isfaham,” ayuu yiri Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe.

Waxaa la filayaa in dhowaan warbixin rasmi ah laga horgeeyo Golaha Shacabka si xubnaha Baarlamaanka ay ugu warhelan nuxurka shirkii lagu qabtay Algiers iyo natiijooyinka la taaban karo ee kasoo baxay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here