Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo oo Booqasho Ugu Tagay Madaxweynaha Galmudug

0

MUQDISHO, Soomaaliya – Hoggaamiyaha Dawlad Goboleedka SSC-Khaatumo, Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye), ayaa booqasho sharafeed ku tagay Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Galmudug,  Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor), iyadoo kulankaasi uu ahaa mid salaan, is xogwaraysi iyo wada tashi siyaasadeed isugu jira.

 

Intii kulanku socday, labada masuul ayaa si qoto dheer uga wada hadlay arrimaha muhiimka ah ee dalka, gaar ahaan ka qeybgalka Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo lagu wado inuu dhowaan ka qabsoomo caasimadda Muqdisho.

Hoggaamiyeyaasha oo kuwada sugan Muqdisho, ayaa is weydaarsaday aragtiyo ku saabsan ajandayaasha shirka, sida dib-u-eegista dastuurka, amniga dalka, iyo dhismaha hay’adaha dowliga ah.

Firdhiye ayaa uga mahadceliyay Madaxweyne Qoor Qoor soo dhoweynta diirran iyo sida Galmudug uga go’an tahay in laga mira dhaliyo wadashaqeyn buuxda oo u dhaxaysa dhammaan dowlad goboleedyada iyo dowladda federaalka.

Waxa uu sidoo kale caddeeyay ka go’naanta SSC-Khaatumo inay door muuqda ka qaadato geeddi-socodka siyaasadeed ee dalka xili markii ugu horeysay Firdhiye ka qeybgalayo shirka Gollaha Wadatashiga Qaran tan iyo markii la aas-aasey maamulkiisa 2023.

Kulanka waxaa ka qayb galay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala, oo sheegay in wada hadallada noocan oo kale ah ay kaalin weyn ka qaadanayaan xoojinta midnimada iyo is-aaminaadda mas’uuliyiinta Soomaaliyeed.


LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here