Soomaaliya waa dal leh taariikh fac weyn, dhaqan hodan ah iyo dad isku af ah, balse nasiibdarro waxaa si xoog leh u hor istaagay horumarkii iyo midnimadii ummadda arrimo badanoo u badan kuwa gudaha ah. Midda ugu weyn ee halista ku ah jiritaanka dawladnimo dhabah waa qabyaaladda, eexda, nin jecleysiga iyo fahamka khaldan ee siyaasadda, gaar ahaantan siyaasiyiinta Soomaaliyeed oo badankood rumeysan in xal dibedda laga keeni karo.
Qabyaaladda Soomaaliyeed waxay gaartay heer aad u khatar badan. Waxaa laga dhaxlay inummadda laga dhex abuuro kala qeybin qabiil ku saleysan, taasoo keentay in dadku iskuaamini waayaan, in kursiga uu qof heli karo ay ka muhiimsan tahay waxa uu qaban karo.
Waxaa muhiim ah in la xuso in markii uu talada dalka la wareegay Madaxweyne MaxamedSiyaad Barre sanadkii 1969-kii, tallaabadii ugu horreysay ee uu qaaday ay ahayd ciribtirkaqabyaaladda dambina uu ka dhigay ciddii lagu helo. Waxa uu diidmo cad ku muujiyey inqabiilka lagu saleeyo dawladnimada, wuxuuna xoojiyey fikirka Soomaaliweyn iyo midnimada qaranka. Natiijadii ka dhalatay dadaalkiisii, tobankii sano ee ugu horreysay xukunkiisa, Soomaaliya waxay gaartay horumar weyn oo la taaban karo – laga bilaabo waxbarasho bilaash ah, caafimaad dadweyne, dhisidda kaabayaal dhaqaale iyo tayaynta adeegyada bulshada.
Tani waxay tusaale u tahay in marka qaran ka guuro qabyaalad, uu suurta-gal yahay horumar degdeg ah oo waara. Soomaalidu iyada marka hore waa inay rumeysataa in
cadowgeeda koowaad uu yahay qabyaalad, si xal waara loo gaaro.
Qabyaaladdu waxay waxyeello weyn ku yeelatay dawladnimada Soomaaliyeed: –
– Waxay carqaladeysay dhismaha hay’adaha dawliga ah.
– Waxay meesha ka saartay in dadku isku arkaan muwaadiniin leh xuquuq iyo waajibaadsiman.
– Waxay abuurtaa kalsooni darro joogto ah oo u dhaxaysa bulshada.
Soomaaliya waxay u baahan tahay dib u qiimeyn dhab ah oo ku saleysan in waddanka uukagudbo caqabadaha qabiilka, eexda iyo siyaasadda gurracan. Waa in la sameeyo sharciyo si adag uga hortaga Qabyaalada, eexda iyo nin jecleysiga.
Ma jirto waddo kale oo loo mari karo horumar iyo xasilooni aan ka ahayn midnimo, daacadnimo iyo hoggaan mas’uul ah. Qaran la kala qeybiyo ma noqon karo qaran barwaaqogaara, balse qaran la mideeyo wuxuu noqon karaa iftiin u horseeda dhammaan shacabka Soomaaliyeed mustaqbal wanaagsan.
Qalinkii: Maxamed Muuse




